Bristol, North Somerset iyo South Gloucestershire Bayaanka ICB ee dib u dhiska BUPA Dental Practice St Pauls

 

Waxaan ognahay in helitaanka daawaynta Ilkaha ee NHS ee Bristol, North Somerset iyo South Gloucestershire ay tahay mid adag waxaanan si adag uga shaqaynaynaa sidii aanu u hagaajin lahayn xaalada dadka deegaanka.

Ka dib markii dhowaan lagu dhawaaqay xiritaanka BUPA-da ilkaha ee St Pauls, waxaan kulan wanaagsan la yeelanay Kooxda Waxqabad ee Dhaqtarka Ilkaha ee St Pauls usbuucan si aan uga wada hadalno caqabadaha bixinta ilkaha maxalliga ah iyo fahamka saameynta xiritaanka ee bukaannada maxalliga ah.

Waxaan la shaqeyneynaa shuraako badan oo kala duwan si aan isugu dayno inaan aqoonsanno bixiye kale oo loogu talagalay bulshada deegaanka. Wadahadaladu waa socdaan, waxaana la wadaagi doonaa wixii ku soo kordha sida ugu dhakhsaha badan ee la helo.